FARXIYA JAAMAC AADAN. |
Nin ayaa waxa uu socdaal ugu ambabaxay Tuulo fog oo ka tirsan dalka Turkey, kolkii uu gaaray tuullada , waxa uu kireystay gaari taksi ah si uu ugu dhex wareego, waxna uga ogaado nolosha dadka.
Xilli uu ku jiray socodkiisa waxa uu arkay guri qurxoon oo ah dabaq hal biyaana ah oo dad u badan rag , haween iyo caruur ay buux dhaafiyeen hareerihiisa..
Waxa uu weydiiyay darawalkii Taksiga , gurigan yaa iska leh?
Darawalkii ayaa ku jawaabay , waa guriga ninkii nacaska , Allaha naga qabto !! waa ninka ay dowladdu u xilsaaratay tuulladan inuu daryeelo dadkeeda …
Ninkii ayaa weydiiyay , magaciisa ?
Darawalkii ayaa ugu jawaabay, waaga ha ugu baryo naarta Jaxiima isaga iyo magaciisaba… waa nacas bahdilan …. waa nacas si kasta oo ereyga loo dhigo.
Ninkii ayaa layaab iyo anfariir ka qaaday hadalkaasi , waayo waxa uu ogsoonyahay in darawalka taksiga uu yahay nin wanaagsan oo dabaci iyo dad la dhaqan leh , waxaase uu fahmi waayay ereyada tilmaamaha xun huwan ee loo hugiyay ninka maamula tuullada.
Galabtii xigtay , ninku waxa uu fariistay biibitada ugu weyn tuullada ee dadku ay ku shaahaan, waxa uu la hadlay ninkii lahaa maqaayadda , waxa uu weydiiyay , sidee u aragtaa ninka mas’uulka ka ah tuulladiina?…
Ninkii maqaayadda lahaa ayaa candhuuf xaaqa leh dhulka ku tufay, waxa uu yiri, waa nacas maangaab ah …
Ninkii ayaa weydiiyay , maxaa dhacay ?…
Waxa uu yiri, fadlan ha igu furin sheekada ninkaasi , waa mid liita oo bahdilan, ha iga qasin maskaxda galabtan sheekada ku saabsan ninkaasi dabbaalka ah.
Ninkii ayaa bilaabay inuu weydiiyo qof waliba oo uu arko oo dadka tuulada ka tirsan su’aal ku saabsan ninka maamula tuullada oo dadku ay aad u necbeysteen, una liidayeen.
Kadib waxa uu ninkii go’aansaday inuu booqdo guriga ninka tuullada xukumayay si uu u hubsado in wax ay ka jiraan tilmaamaha dadku bixinayeen.
Inkasta oo hore dadku ugu digeen , haddana waxa uu ku dhiiraday inuu booqdo guriga , markii uu galay , waxa uu arkay ninkii oo taagan oo faashad ku duubaya dhaawaca nin beeraley ah si uu u daweeyo, isaga oo adeegsanayay suuf iyo walxo kale si dhiig baxa u joojiyo, hayeeshee dhinaciisa waxaa taagneyd haweeney kalkaalisa ah oo si aad ah iskugu howleysay inay daweyso ninka beeraleyda.
Ninkii waxa uu layaabay wanaaga ninkani sameynayey iyo wararka suuqa la isla dhexmarayey ee lagu qiima ridayay sumcaddiisa, waxa uu weydiiyay ninkii, adigu ma dhakhtar ayaa tahay? waxa uu yiri Maya .
Inyar kadib , waxaa guriga soo gashay haweeney beer falato ah oo da’ dhexaad ah, waxa ay u dhiibtay canug ay xambaarsaneyd , ninkii waxa uu dharka ka siibay canuga, waxa uu ku qeyliyay hooyadiisii oo aheyd haweeneydii xambaarsaneyd oo uu ku yiri miskiinkani wuu isku uray, kadib waxa uu u qubeeyay canugii oo bool baro udgoon leh ayuu si dabacsan ugu mariyay si urta ay uga baxdo.
Inyar kadib, waxaa haddana u yimid mid ka mid ah ragga beeraha qota, waxa uu weydiistay talo ku aadan tacbashada dhulka , waxa uu siiyay xog faah faahsan oo la xiriirta qaabka ugu haboon ee dhulka ninkaasi wax soo saar uga sameyn karo.
Kadib, waxa uu meel gaar la istaagay mid ka mid ah beeraleyda, waxa uu gacanta u geliyay lacag, ninka beeraleyda ah waxa uu ahaa mid la ooyayay farxad , waxa uu isku dayay inuu dhunkado gacanta ninka tuulada xukuma , hayeeshee waa uu ka fara baxsaday, waxaanu yiri , arrintu ma ahan daweyn oo qura ee cuntada wanaagsan ayaa ah mid nafci badan leh.
Intaasi kadib, ninkii waxa uu la fariistay ninkii tuulada xukumayay, kalkaalisada oo ah xaaska ninkaasi ayaa u keentay shaah , markii ay sheekada guda galeen , ninku waxa uu ka dareemay inuu yahay nin dhimrin , naxariis badan, aqoon , dulqaad, bani’aadannimo iyo xil gudasho mas’uuliyad ku dheehan tahay ay ka muuqatay.
Ninkii waxa uu dib u soo koray gaarigii taksiga, waxa uu weydiiyay darawalkii , waxa aad ninkaasi ku tilmaantay nacas … waan la kulmay isaga iyo xaaskiisa , waxaan ka arkay inay yihiin dad si wacan bulshada ay mas’uulka ka yihiin ugu adeegay ee maxaa xumaan ah oo jira?!
Darawalkii ayaa yiri, oo maba ogaan miyaa nacasnimadooda?!
Ninkii ayaa si cara leh ku yiri, oo maxay tahay ?!
Darawalkii oo warka soo gunaanuday ayaa ku jawaabay, waa dabbaal , micnuhu waa dabbaal.
Ninkii tuullada booqashada ku joogay, waxa uu ku wareeray warcelinta dadka iyo waxa indhihiisu qabteen, kadib waxa uu la kulmay ninkii qaaliga ka ahaa Maxkamadda tuullada, waxa uu weydiiyay xaaladda ninka xukuma tuullada iyo boob hanti qaran haddii uu ku dhaqaaqay , waxa uu ku jawaabay qaaligii , suuragal ma ahan , isaga iyo xaaskiisaba waxa ay ka soo jeedaan qoys hanti leh.. midda kale , tuulladdu ma wax la xado oo la boobo ayaa yaalla?!
Ninkii ayaa weydiiyay Teleefoonnada Tuullada miyey isaga dartii u cilladoobeen?!
Qaaliga waxa uu ku jawaabay, teleefoonnadu dhammaan wey cilladeysnaayeen, nacaskan markii uu yimid waa la hagaajiyay, waana la shaqa-geliyay dhammaan.
Ninkii wuu carooday, waxa uu ku yiri qaaligii , maadaama dadka tuulladu ay necbeysteen, ayna u arkaan dabbaal , maxa ay cabasho ugu gudbin waayeen mas’uuliyiinta sar sare si loo badalo?!
Qaaligii waxa uu soo bixiyay jawaan weyn oo ay ka buuxeen kumanaan warqado cabasha ah oo laga gudbiyay, taasi oo aan suuragal ka dhigin in la badalo , dabbaalkan weligii ceeji ayuu ku heyn doonaa tuullada iyo annaga ayuu sii raaciyay warkiisa qaalliga .
Ninkii waxa uu go’aansaday inuu gebi ahaan isaga tago tuullada kadib markii uu ku dhowaaday inuu ku garaad iyo maskax beelo wax aanu fahmin oo ka jira halkaasi ,,,, markii uu tuullada bannaanka uga baxay , qaalligiina uu sagootinayey.
Qaaliga ayaa markii uu hubsaday in ninkan uu taagan yahay boosteejada gaadiidka safarka ah laga raaco, ayuu ku yiri waxaa jira arrin aan jecleystay inaan kuu sheego inta aanad dib u laaban..
Waxaan dareennay aniga iyo dadka Tuullada oo dhan markii aan eegnay dadkii hore noo xukumay , in nin waliba oo Tuullada loo soo magacaabo oo wanaagsan oo la bogaadiyo in Dowladdu ay si dhakhsiya ah ku bedesho , mar waliba oo aan cabasha badan gudbinno , naceybna ay muujiyaan dadka,dowladdu dhegaha ayey ka fureysataa, mas’uulka wakiilka u ahna waxa ay ku sii adkeysaa inuu siiu xun ee qof lagu qiimo dili karo, muddo afar sano ah ayuu nala joogay oo cabasho kala duwan aanu dardar-geliyo howshiisa , sidaas darteed waxa aan ku heshiinnay in ninkaasi loogu yeero ereyada uggudbinnay , afar sano kale inuu nala sii joogo waanu jecelnahay si Tuulladu ay isku badasho Janna cusub oo dunida laga helay !
Sheekadu waa dhammaatay ,,,
Suaashu waxa ay tahay , Tuullo noocaasi ah maku nooshahay?!
waxaa turjumay:-
Farxiya Jaamac Aadan.